Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo Shabaab ah

Kooxda alshabaab

Hoggaamiyaha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta cadaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan lacagtaan waxaa la siinayaa qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado, meelna lagu hubsado mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha guud ee Khawaarijta al-Shabaab Sannado badan wuxuu ninkaani soo ahaa madaxa milariga ee kooxda al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha oo ah dagaalyahanada weerarrada tooska ah fuliya bishiin Jannaayo ee sannadkii 2018-kii, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku daray liiska argagixisada

Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore

Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaalmarinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale Axmed Diiriye oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda iyo Mahad Karate oo ah nin khatar badan Maraykanka ayaa sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar, lacagtaas waxaa la siinaya qof kasta oo macluumaad dhameystiran ka keena xubnahaas.

Sannadkii 2008 ayuu Maraykanku uu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur aragagixiso oo halis ku ah xasiloonida caalamka


Post a Comment

0 Comments