Qarax Qasaaro geeystey oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Taliska Boliiska oo faahfaahin ka bixyey qaraxaasi

Qarax Qasaaro geeystey

 Qarax is-miidaamin ah ayaa xalay abaarro 9-kii Fiidnimo ka dhacay maqaayada Blue Sky ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac qaraxa ayaa waqtigii uu dhacayay waxaa maqaayada Blue Sky ku sugnaa dad badan oo halkaasi ku caweynayay, kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal

Dadka qaraxa ku dhintay ee la xaqiijiyay ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimihii Taleefishanka Somali Cable Cabdifitaax Nuur Macallin (Qeys). Marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howlgelayey magaalada Muqdisho qaraxa ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab 

Ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea Burhaan Diini oo ah Agaasimaha Idaacada Kulmiye oo kamid ahaa goobjoogayaashii halkaasi ku sugnaa ayaa VOA u sheegay in ninkaasi uu soo dhex galay dadka, kadibna uu isku qarxiyay, islamarkaana uu jugtiisa cusleyd.

Meesha waxaa ka dhacay indhaha uma dhameystiri karin dadka wey daadsanayeen oo meydka iyo dhaawaca lama kala garan karin. Qaraxa gees illaa gees uu saameeyay,” ayuu yiri Burhaan Diini sidoo kale waxa uu sheegay in maqaayada uu xalay qaraxa ka dhacay uu marar horena uu sidan oo kale uga dhacay, islamarkaana ay illaa laba iyo saddex jeer bartilmaameedsadeen kooxaha argagixisada

Waxaa aniga iyo bahda radio Kulmiye aan murugada iyo tacsida la wadaageyna ehelka Nuur Macallin (agaasimihii Somali Cable Tv) iyo saaxiibada telefishanka Somali Cable dhinaca kale, Qoraal xalay ka soo baxay booliska Soomaaliya oo si hordhac ah loogu faah-faahiyay qaraxa ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo in afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa maqaayada Blue Sky.

Sidoo kale qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in weli ay baaritaano socdaan, ayna bulshada dib kala soo wadaagi doonaan wixii kusoo kordha arrinkaan sida uu sheegay qof goobjoog ahaa, dadkii joogay maqaayadda ayaa ka shakiyey ninka markii uu soo dhex-fariistay, kadib waxay isku sheegeen ninka waana lagu kala cararay goobta

Kala carar kadib, ninka is-miidaamiyey ayaa ka daba istaagay koox odayaal ah, waana is-qarxiyey, inta badan odayaashii waxaa la xaqiijiyey in waxaba aysan gaarin agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah.

Si kastaba, Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa Bar-Kontrol oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey

Post a Comment

0 Comments