Ciidamada Jubbaland oo ka hortegtay weeraro qaraxyo ah oo soo abaabuleen kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday gooba ay joogeen Shabaab howlgallada oo ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa lagu fashiliyay qaraxyo miino oo ay Al-Shabaab ku aasayeen inta u dhexeysa Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab geliyeen waddada, kadib xog ay ka heleen ilo dhanka amniga ah ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubada hoose ayaa ku guulaystay in ay soo saaran miinooyin ay kooxda argagixisada ah galiyeen inta u dhaxaysa deegaanadda Buulaguduud iyo Janaa Cabdalle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska Jubbaland.

Qoraalka ayaa waxaa lasii raaciyay ciidanka booliska Jubbaland oo ka war hellay dhagarta ay maleegayeen Kooxda Argigixisada ayaa ka hortagay dhagarta cadowga ay umaleegayaan shacabka soomaaliyeed sidoo kale waxa intaasi ku dareen in shaqadan ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan deegaanada howlgalka laga sameeyay

Jubbaland ayaa xustay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobollada Jubbooyinka, si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo lagad dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraradeed la bartilmaameedsata ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo isaga kala goosha deegaanadaas oo ay ka socdaan howlgallo culus

Post a Comment

0 Comments