Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay hareeraha degmada Diinsoor

Ciidamada Itoobiya

  Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta ciidamada Itoobiya ay madaafiic xoogan ku garaaceen hareeraha degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda lagu duqeeyay hareeraha degmada, ayna gaarayeen ku dhowaad lix hoobiye

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS ka gaysteen agagaarka magaalada Diinsoor goobaha la duqeeyay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab oo badanaa weeraro culus kusoo qaaday ciidamada ku sugan halkaasi

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicdaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobollada Baay iyo Bakool, waxaana marar kala duwan ay dagaallo la galeen xubnaha kooxda Al-Shabaab

Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha weeraro culus oo dhabagal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaado ciidamadan, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Baayl iyo Bakool ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka

Post a Comment

0 Comments