Duqeyn lagu laayey Al-Shabaab oo galabta ka dhacday Ruun-nirgood

Kooxda alshabaab


 Howlgal lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee hobolka Shabeellada Dhexe gadiid dagaal iyo Saanad Ciidan ayaa lagu burburiyey howlgalkaas oo ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay galabta fuliyeen

Deegaanka lagu magacaabo Sigato oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Gobalka Shabeellada Dhexe Duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal ayaa galabta fuliyey howlgalkaan, iyagoo beegsaday goob ay isku uruursaneysay kooxda Al-Shabaab howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay

Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaano badan oo hoos taga waxaa weli jooga ama yimaada dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab Ciidanka dowladda oo weerarro culus kala kulmay Al-Shabaab markii ay qabsadeen Ruun-nirgood waxay sii joogi waayeen deegaankaas, iyagoo isaga soo baxay

Maalmihii ugu dambeeyey duqeymaha ka dhacaya aagga Ruun-nirgood ayaa aad u badnaa, waxaana Jimcihii ugu yaraan 100 Shabaab ah lagu dilay aagga deegaanka Daarunicma oo degmadaas hoos taga, sidoo kale duqeyntaas waxaa Shabaab looga gubay ku dhawaad 10 gaari

Post a Comment

0 Comments