Nin sita aqoonsi sarkaal oo saaxiib la ahaa sarkaalkii u goostay Al-Shabaab oo la qabtay

Kooxda Alshabaab


 Nin ay si hoose u wadashaqeyn jireen sarkaalkii booliska Soomaaliya ka tirsanaa ee u goostay Al-Shabaab ayaa ka mid noqday dad lagu qabtay iyagoo isticmaalaya aqoonsiyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka soo shaqeeyey hey’adda NISA, hadana ka tirsanaa booliska ayaa dhawaan la ogaaday inuu u goostay Al-Shabaab oo muddo dheer uu si hoose ula shaqeynayey, isagoo ku dhex jiray hey’adaha ammaanka

Hadda ciidamada amniga ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabtay nin saaxiib la ahaa sarkaalkaas oo marar badan la isku ag arkay Markii baaritaano hordhac ah lagu sameeyey ninkaas waxaa laga helay aqoonsiga muujinaya inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, balse weli waxaan la kala xaqiijin in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidanka iyo in si kale uu ku helay ID card-ka.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in ninka lagu qabtay aqoonsiga sarkaalnimo ee saaxiibka la ahaa sarkaalkii booliska ahaa ee Al-Shabaab u baxsaday uu ka shaqeynayey shirkad kuwa biyaha sifeeya ah oo ka shaqeysa magaalada Muqdisho qabashada ninkaan ayaa timid iyadoo hey’adaha ammaanka ay Muqdisho ka bilaabeen uruurinta dhalinyaro isticmaaleysay aqoonsiyada wasaarado iyo qaar ka mid ah hey’ada dowladda oo aysan u shaqeyn

Qaarkood waxaa la sheegay in markii la qabtay ay hey’adaha ammaanka u sheegeen inay u qaateen inay ku maraan wadooyinka magaalada, isla markaana lacag loogu sameeyey aqoonsiyada ay wateen weli waxaa socda baaritaano ay wadaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana jira tuhun xoog leh oo hareeyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, markii dadkaan lagu qabtay aqoonsiyada xarumo aysan u shaqeyn

Post a Comment

0 Comments