Dowladda soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciidamo badan oo macawiisley ah kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka alshabaab lagula jiro

Kooxda alshabaab


 Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa galabta lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo u diyaarsan inay la dagaalamaan Al-Shabaab ciidankaas oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka wajiga labaad ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe.

Dugsiga tababarrada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ayaa lagu soo bandhigay ciidankaas oo aad u hubeysan Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidankaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyadda ka saaran suurta gelinta sidii ciidankaan uu uga howl-geli lahaa deegaanada la qorsheeyey inay Shabaab ka xoreeyaan.

Sidoo kale goobtii maanta lagu soo bandhigay ciidankaan waxaa ka soo muuqday saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, kuwaas oo la aaminsan yahay inay soo abaabuleen ciidankaan ka socda dadka deegaanka dagaalyahanadaan galabta lagu soo bandhigay degmada Guriceel dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Cayr ee Habargidir

Waxaana la doonayaa inay qeyb ka noqdaan xoreynta Ceelbuur ee deegaanada kale ee gobolka Galgaduud Ciidankaan cusub waxaa la sheegay in loo dhameystiray hubkooda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay uga faa’iideysaneyso ka qeyb galka wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay u guurayaan Dhuusamareeb, halkaas oo dagaalka ay ka hoggaami doonaan


Post a Comment

0 Comments