Al-Shabaab oo mar kale weerartay deegaan laga difaaco Baydhaba

Kooxda alshabaab


  Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay mar kale  ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday

Ilo dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday in ka badan hal saac, isla-markaana la’isku adeegsanayay hubka noocyadiisa ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee Goof-gaduud maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Goofgaduud-buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda AlShabaab mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab

Waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda AlShabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug

Post a Comment

0 Comments