Weerar lagu beegsaday ciidanka dharcadda hay’adda NISA oo ka dhacay Muqdisho

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda NISA oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in rag hubeysan ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamadaasi, xilli ay gaadiidka soo aado dhanka Dabka ay ku baarayeen halkaasi

Jugta qaraxa ayaa si xoogan looga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana sidoo kale muddo kooban hakad galay dhaq-dhaqaaqa waddada Weerarkan ayaa sidoo kale sababay khasaare u badan, waxaana waxyeelo ay soo gaartay illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dharcadda ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka

Sidoo kale waxaa goobta mar dambe gaaray saraakiil ka tirsan NISA oo uu hoggaaminayay taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Howlwadaag Gaashaanle Maxamnd Cabduqaadir Shakiib, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay xaafadaha u dhow meesha la weeraray

Wararka ayaa intaasi ku daray in howlgalka la sameeyay lagu soo qab-qabgtay nin looga shakisan yahay inuu fuliyay weerarkaasi Ma’aha weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado ciidamada Nabad-Sugidda ee haatan lagu soo daadiyay xaafadaha Muqdisho, ayada oo dhowr jeer sidaan oo kale loo beegsaday

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalado amni dari, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay qaraxii gudaha xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo lagu laayey ciidamo badan oo ka tirsanaa kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments