Danab oo beegsatay goob ay isku urursanayeen Shabaab

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka magaalada Galcad oo ka tirsan gobolkaasi howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee ku yaalla deegaanka Cali Seer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Saraakiil ka tirsan Danab ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo meesha lagu diyaarinayay, balse ma shaacin tiradooda Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen saldhig ay kooxda ku laheyd dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaasi, ayna weeraro kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga Soomaaliyeed Galcad iyo agagaarkeeda 

Waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda howlgalladan ayaa qayb ka ah guluf milatari oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in dalka oo dhan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab oo sanado badan dagaal ka wada dalka 

Si kastaba dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan galaya wajigiisa labaad, waxaana qorshuhu yahay inay kusoo biiraan dalalka dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya

Post a Comment

0 Comments