Al-Shabaab oo xayiraadda ka qaaday Baydhaba ka dib markii xal laga gaaray

Kooxda alshabaab


 Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay sii deysay gaadiid xamuul ah oo todobaayadii lasoo dhaafay ay ku xayirtay duleedka magaalada Badhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in baabuurtan oo u rarneyd ganacsato ay ugu dambeyn gaareen Baydhaba, kadib markii ay fasaxday Shabaab.

Arrintan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen odayaasha deegaanka oo wadahadal la furay kooxda kadibna ku qanciyay inay fasaxaan gaadiidkaas Ma cadda in sii deynta gawaaridaan inay la xiriirto in gebi ahaan ay kooxdu qaaday go’doominta ay gelisay Baydhaba oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Dhank kale, Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in baabuurta lasii daayay, balse waxa ay ganafka ku dhufatay inay wada-xaajood la gashay kooxda Al-Shabaab la-taliyaha Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday inay xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka, si looga fogeeyo aagga Baydhaba 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay go’aan ku gaareen in ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Federaalka laga howlgeliyo deegaannada ay joogaan  Shabaab, si looga qabsado maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Baydhaa  ka taagnaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah

Taas oo ka dhalatay go’doominta ay Al-Shabaab galiyaan magaaladaasi Go’doominta ayaa sababtay sicir barar waxayna maciishadu gaartay labo laab qiimihii horay loo iibin jiray halka caanaha, xoolaha iyo waxyaabaha laga keeno miyiga ay joogsadeen 

Post a Comment

0 Comments