Ciidamada GORGOR oo howlgal ku laayey 30 ka tirsanaa AL-SHABAAB

kooxda alshabaab


 Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka kumaandooska Gorgor ka sameeyeen inta u dhexeyso gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee Galmudug iyo HirShabelle howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha AlShabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-Qurac oo ku yaalla xadka u dhexeeya labadaasi gobol.

Warbaahinta dowladda ayaa qortay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda AlShabaab, sida ay hadalka u dhigtay Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in weerarkan ay ciidamada Xoogga dalka kusoo furteen hub iyo sidoo kale agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha la laayay howlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay 

Waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan” ayaa lagu yiri warka warbaahinta dowladda waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in gebi ahaan la burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen xubnaha lagu weeraray deegaanka Ceel-Qurac ee ku yaala xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe Ciidamada Xoogga ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta waxaana hadda socda hawlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Galmudug iyo HirShabelle ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo ka gaareen ciidamada huwanta ah

Post a Comment

0 Comments