Alshabaab oo isaga baxay saldhigoodii ugu weynaa ee gobolka gobolka shabellaha dhexe

Kooxda alshabaab


 Maleeshiyada AlShabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka gamboole ee galbeedka gobolka shabellaha dhexe kadib weerar dhinaca cirka oo jimcihii ka dhacay deegaankaasi oo 50km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada jowhar wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay garaaceen goobo ay mintidiinta kaga sugnaayeen deegaankaasi

Xildhibaan daahir amiin jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in duqaynta ay ka dhacday laba goobood waxyeelana lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada laba gantaal ayaa lagu riday magaalada shabaab badanaa wax ku noqday, inta badana shabaabka hadda magaalada dhexdeeda waa ka baxeen meel ay aadeenna lama yaqaano

Xildhibaan jeesow ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo xoogaga macawiisleyda ay hadda ku wajahan yihiin deegaankaasi isagoona taasi u sababeeyay fatahaadda webiga shabeelle oo jartay waddooyinkii gelayay deegaankaasi magaalada biyo baxa badanaa hareereeyay mana la geli karo marka dhinaca cirka ayaa laga duqeeyay ciidan dhanka dhulka ka geli karana ma jirto 

Waxa uu intaa raaciyay marka aad magaalada tageysid waa inaad doon ku tagtaa labada dhinac magaalada waxaa hareereeyay biya baxada webiga illaa waddadii laamiga ee daafeet tageysay ayay biyaha ku sii dhow yihiin fatahaaddan waxay ka dhalatay kililka shiinaha oo qarka jabsaday

Shabaabka ayaa gamboole ka sameystay fariisimahooda ugu weyn ee gobolka ka dib markii wejigii hore ee hawlgalka looga soo saaray dhulkii ay ka maamulayeen bariga gobolkaasi fatahaaddan ayaa caqabad ku ah qorshaha socda ee yoolkiisu yahay in mintidiinta lagaga saaro daanta galbeed ee gobolkaasi dowladda federaalka ayaa gadaal ka riixeysa in wejiga labaad ee hawlgalka uu noqdo mid aagag badan dagaal lagaga furayo deegaanada ay shabaabku kaga sugan yihiin gobolada koonfurta iyo bartamaha

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah guluf ay tahay in lagu xoreeyo deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee hirshabelle (hiiraan iyo shabellaha dhexe), oo hadda ay shabaabka kaga sii harsan yihiin goboladaasi ciidamada ayaa wejigii hore ee hawlgalka ku xaqiijiyay in ay si buuxdo shabaabka uga saaraan bariga goboladaasi

Post a Comment

0 Comments