Haweeneydii ka dambeysay dilka Nasro Cabduqaadir oo lasoo qabtay

dhacdooyinka caalamka

  Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay Calaso Muxumed oo loo haysto dil la sheegay inay u geysatay haweeney kale oo ay daris ku ahaayeen degaanka Oodan ee gobolka Gedo.

Idiris Aadan Nuur oo madaxa baarista ee gobolka ayaa shaaca ka qaaday inay tageen goobta uu falku ka dhacay, isla-markaana ay soo xireen haweeneyda ee eedeysan oo loo haysto inay mindi ama toorey ay ku dishay Marxuumad Nasro Cabduqaadir Maxamed.

Dambi baaraha ayaa sheegay in labada gabdhood ay wada dagaalameen, kadibna eedeysanaha ay soo qaadatay toorey, kadibna ay halbowlaha ka gelisay marxuumadda oo isla goobta ku geeriyootay, kadina la aasay “Eedeysanihii dhibka geystay waan soo qabanay, falkana wuxuu ka dhacay Beledxaawo gaar ahaan tuulada Oodan, dilkaas wuxuu ahaa dil toorey ah” ayuu yiri Idiris Aadan Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, isla-markaana sharciga ay la tiigsan doonaan haweeneyda lasoo xiray.

Marxuumadda waxay mindida uga dhacday halbowlaha halkii ayayna ku dhimatay, waana lasoo aasay, gabadhii wax dishay way noo xiran tahay baaristana way socotaa, wixii kasoo baxana sharcigaan horgeyn doonaa, sidaa ayay wax u jiraay” ayuu mar kale yiri Idiris 

Waxaa kale oo uu raaciyay waayahan kiisaska ragga wax dila uunbaan arki jirnay, laakiin beryahaan waa kiiskii noogu horreeyay ugu yaraan dhowr iyo toban sano kahor dumar, dumar dilay dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay soo qabashada haweeneydan eedeysan, 

Waxayna sidoo kale dalbadeen in si deg-deg ah cadaalada la horgeeyo, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda

Post a Comment

0 Comments