Ciidamada DF oo galay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ka carareen

Kooxda alshabaab


  Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay alshabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada galcad ee gobolka galgaduud ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada baraag sheekh caamir, ceel-dhigtaar, ceel-ciid iyo deegaano kale, taliyaha ururka 9-aad ee gor-gor dhamme cabdiwali axmed xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta la hadlay

Taliye Cabdiwali ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga kooxda alshabaab iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta alshabaab-ka dhuumaaleysiga ah

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan alshabaab waxayna howlgalkaas kadib inta badan ciidanku dib ugu laabtaan fariisimahooda

Dowladda soomaaliya ayaa hadda qorsheyneysa inay laba jibaarto howlgallada ka dhanka ah kooxda alshabaab waxaana maalmihii lasoo dhaafay furimaha loo diray ciidankii ugu badnaa howlgalkaan laga fuliyey aagga galcad wuxuu ku soo aadayaa xilli shalay howlgal kale oo ciidanku ay ka fuliyeen koonfurta gobolka mudug ay ku dileen laba xubnood oo shabaab ah

Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo hoggaaminayey kooxda shabaab-ka ah oo lagu beegsaday degaanka baraag-ciise ee koonfurta gobolka mudug xubnaha shabaab-ka ah ayaa xoolo ka uruursanayey dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ku nool


Post a Comment

0 Comments