Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay magaalada Xagar oo ka tirsan gobolka jubbada hoose

kooxda alshabaab


 Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada xagar oo ka tirsan gobolka jubbada hoose halkaas oo in ka badan 10-kii sanno ay ku sugneyd kooxda AlShabaab xagar ayaa illaa 80 KM u jirta magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka jubbada dhexea

Tas oo muujineyso in ciidamada huwanta ay kusii dhowaanayaan dhulka alshabaab ciidamada huwanta ee qabtay magaaladan ayaa ka baxay degmada Afmadow oo haatan laga hagayo howlgallada ka socda gobollada jubbooyinka ee koonfurta soomaaliya sraakiisha milatariga soomaaliya oo ka hadlay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u galeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 shabaab ah

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa dhankeeda baahisay sawirro iyo muuqaallo ku saabsan qabashada magaalada xagar oo ay sheegtay in lagu soo dhaweeyay ciidamada ka dib xoreyntii magaalada xagar ee gobolka Jubbada hoose oo khawaarijtu muddo dheer Shacabka ku dhibaateyneysay shacabka ayaa si diiran usoo dhaweeyay ciidanka xoreeyay magaalada fagaareyaal ayay ku kulmeen

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in saraakiisha ciidamada ay la kulmeen bulshada deegaanka, ayaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ammaanka saraakiisha ciidanka ayaa shacabka xagar kula hadlay bartamaha magaalada waxaana ay uga mahad celiyeen sida diiran ee ay usoo dhaweeyay iyagoo usoo jeediyay inay ciidanka kala shaqeeyaan ciribtirka khawaarijta ayaa lagu yir qoraalka warbaahinta qaranka

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamiud ah gobollada jubbooyinka ee jubbaland si kastabaya shalay ayay ahayd markii saddex howlgal oo duqeymo xoogan ay barbar socdeen alshabaab lagula beegsaday agagaarka degmada afmadow ee jubbada hhoose

Post a Comment

0 Comments