Dabkan ayaa billowday qiyaastii 11kii fiidnimo ee xalay iyadoo suuqani uu gabi ahaanba basbeelay oo aysan jirin meherad suuqan kutaalay oo ka badbaaday dabkan, inkastoo dadkii gurmadka u yimid ay isku dayeen inay meheradaha ka guraan alaabaha, haddana dadku intooda badan alaabtoodii maysan noqon mid badbaadda.
Suuqan ayaa waxa uu ka dhisnaa cidhifka magaalada Jigjiga, waxa uuna ka dhisnaa Jiingado aan aad u habaysnayn taas oo keentay inuu si dhibyar dabku ugu faafo suuqan, waxa kale oo sababay inuu dabkan sii faafo dabaylo xooggan oo dabka sii hurinayay
0 Comments