AlShabaab oo weerar ku qaaday xero ay dhowaan wareejiyeen ciidanka atmis

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee talaadadii shalay uu weerar ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi gaar ahaan deegaanka geriley oo ay isaga soo baxeen ciidamada ATMIS weerarka oo ay qaadeen alshabaab ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga geriley oo ka mid ahaa saldhigyadii ay toddobaadkii hore wareejiyeen ciidamada kenya ee ku jira atmis

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos oo u dhexeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo raggii weerarka qaaday sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaallo la’isku noq-noqday ay saldhigga ka dhaceen, kuwaas oo geystay khasaarooyin iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee lagu ekeeyay sadlhigga deegaanka Geriley ee gobolka gedo xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo horay atmis ugala wareegay xeradaasi weerarkan ayaa kusoo aaday

Xilli ay haatan ciidamada atmis ay isaga baxaan dalka waxaana la diyaariyay bixitaanka labadii kun ee ugu horreysay duulaanka alshabaab ee saldhigga deegaanka geriley ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen atmis

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah alshabaab waxaana qorshuhu yahay inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska ah

Post a Comment

0 Comments