Ciidamada Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada booliska gaarka ah haramcad ay ka sameeyeen duleedka degmada afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas lagu beegsaday kooxda alshabaab ciidamada haramcad ayaa isku fidiyay duleedka magaalada waxayna gaareen goobo ay ku sugnaayeen alshabaab sida lagu sheegay qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda

Ciidamadda Booliska sida gaarka ah u tababaran ee haramcad ayaa deegaanada ku teedsan degmada afgooye ka wada howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka khawaarijta alshabaab ayaa lagu yiri qoraalka sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay dadka shacabka ah lacago uga qaadi jireen xubnaha alshabaab

Ciidamada ayaa howlgalkan ku burburiyay isbaarooyin ay khawaarijta u dhigteen shacabka oo lacago baad ah ay ku qaadi jireen ayaa lasii raaciyay qoraalka howlgallada ayaa weli sii socda, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada hoos yimaada magaalada afgooye ee gobolka sh/hoose inta badan xoogaga alshabaab ayaa deegaanadaas weeraro kasoo qaada

Sidoo kalena ku diyaariyo qaraxyada lasoo geliyo magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay alshabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee soomaaliya si kastaba xaaladda ayaa weli kascsan ayada oo abaabul xoogan laga dareemayo duleedka afgooye oo ay inta badan ay soo gaaraan xubnaha kooxda alshabaab

Post a Comment

0 Comments