Ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe

Kooxda alshabaab


  Ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay degaanka daaru-nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe oo hoos taga degmada ruun-nirgood kooxda alshabaab ayaa waaberigii hore ee saakay oo jimco aheyd weerar ku soo qaaday deegaankaas oo ciidamada deegaanka ee macawiisley ay difaac uga jireen

Ciidanka deegaanka ayaa dib uga gurtay deegaankaas, waxaana si nabad ah kula wareegtay kooxda AlShabaab oo maanta isaga baxday markii ay ka war-heleen duulaanka kaga soo wajahan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib isku soo abaabulay faahfaahin badan lagama helin dhibaatooyinka ay geysteen alshabaab saacadihii ay joogeen deegaankaas

Balse waxaa la xaqiijiyey inay burburiyeen goobo uu ku jiro masjid weyn oo ciidamada deegaanku ay ka dul-dagaalami jireen markii ay soo weerarto kooxdu sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxyo culus ay ku xireen ceel-biyoodka deegaanka balse aysan u suurta gelin inay qarxiyaan, kadib markii ciidanka deegaanka oo garabsanaya kuwa xoogga dalka ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxdii alshabaab ee qabsatay deegaanka

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo alshabaab ay qarax ku burburiyeen maanta dadkii ugu muhiimsanaa ee deegaankaas ayaa xalay saqdii dhexe isaga cararay deegaanka markii ay ciidanku ku war-geliyeen inay dib u gurasho sameynayaan mana jirto cid weli shaacisay waxa ay kooxda kala kulmeen dadkii ku haray deegaanka

Mudooyinkaan kooxda alshabaab waxay naawileysay inay dib u qabsadaan deegaanka daaru-nicma waxayna horay deegaankaas iyo tuulooyinka u dhow kaga afduubteen dad u badan carruur iyo haween hase yeeshee waxaa la sheegay in markii dambe ay dadkaas soo daayeen, kadib markii ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda ay soo afduubteen carruur iyo haween kale oo ay qaraabo dhow ahaayeen hoggaamiyeyaasha alshabaab

Post a Comment

0 Comments