ATMIS oo ciidanka DF ku wareejisay xeryihii ugu badnaa ee gobolka Sh/Dhexe

Ciidanka atmis


 Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ciidanka howl-galka midowga afrika ee ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka deganaayeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe taliyaha guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed kornayl saneey cabdulle ayaa ciidanka atmis kala wareegay difaacyadaasi sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Difaacyada ay ciidanka atmis ku wareejisay ciidanka xoogga ayaa ah kuwii ay ka deganayeen magaalooyinka miirtaqwo, xaaji cali iyo cadale oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe dowladda federaalka soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada atmis ee ku sugan gudaha dalka laga saari doono soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka 

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa abuurnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada atmis ah kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka juun 2023 horraantii sanadkaan ayay aheyd markii dowladda federaalka soomaaliya ay si rasmi ah ciidamada howl-galka atmis ugala wareegtay xerada maslax oo ku taalla degmada heliwaa ee gobolka banaadir

Taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada burundi tallaabooyinkan ayaa waxay qayb ka yihiin qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegayso amniga guud ee dalka xili wasaaradda gaashaandhigga ay shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada soomaaliyeed tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowday gobollada dalka taasi oo muujisay in ciidamada soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah

Si kastaba atmis ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha december ee sanadka soo socda ee 2024-ka xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan soomaaliya si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan

Post a Comment

0 Comments