Al-Shabaab oo shan qof ku gowracay gudaha Kenya kadibna shaacisay sababta

Kooxda alshabaab


 Kooxda AlShabaab ayaa shan qof oo shacab ah ku dilay dalka kenya oo qaarkood ay gowraceen sida ay sheegeen booliska axaddii weerarka ayaa sabtidii ka dhacay xaafadaha juhudi iyo salama ee gobolka lamu ee ku dhow xuduudda sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo booliska shan qof ayaa la dilay

Dhibanayaasha qaarkood waa la gowracay ayey yiraahdeen dadka deegaanka mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo hassan abdalla ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay haweenka guryahooda ayaa lagu xiray raggana waxaa la amray inay soo baxaan halkaasi oo gacmaha laga xiray kadibna la gowracay

Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa arday dhigta dugsiga sare, sida uu sheegay hassan oo intaas ku daray in dhammaan dadka la dilay cunaha laga jaray, qaarkoodna la gowracay ismaaciil xasan oo isna dadka deegaanka ka mid ah ayaa sheegay in mintidiinta ay xadeen sahay cunto kahor inta aysan bixin ayaga oo rasaas kor u ridaya 

Waxaan xoojinay amniga aagaas kadib weerarka waxaa sidaas yiri barasaabka lamu louis rono kooxda alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay ku dishay 6 qof oo Kenyan ah kuna gubtay 10 baabuur alshabaab waxay sheegtay in weerarka uu jawaab u yahay xasuuqa ay ciidamada kenya ka wadaan gudaha soomaaliya

Alshabaab ayaa toddobaadyadii dhowaa aad u xoojisay weerarada ay ka fuliso gobollada kenya ee ku teedsan xuduudda soomaaliya bishan gudaheed sideed sarkaal oo boolis kenyan ah ayaa dhintay markii gaarigooda uu haleelay qarax ay dhulka ku aaseen alshabaab meel u dhow magaalada gaarisa

Kenya iyo soomaaliya ayaa bishii tagtay isku raacay inay si aayar dib ugu furaan saddex bar oo ka mid xuduudda dhulka ee ay wadaagaan oo la xiray 2011 si wax looga qabto rabshadaha alshabaab

Post a Comment

0 Comments