Shirkadaha iibka dhulka iyo guryaha oo lacag ahaan u qaadanaya qare iyo khudaar kale

Dhacdooyinka caalamka

 Shirkadaha Shiinaha qaar ee iibiya dhulka iyo guryaha ayaa sheegay in ay lacag ahaan u qaadan doonaan cunto arrintan oo taagan dhowrkii bil ee la soo dhaafay ayay uga golleeyihiin inay ku soo jiitaan macaamiil shirkaduhu waxay xayaysiiyeen heshiisyo ay dadka ugu oggolaanayaan inay isticmaalaan wax soosaarka beeraha oo ay ku jiraan qaraha iyo toonta xilliyada ay lacagaha ugu horreeya ka bixinayaan guryaha cusub

Iibka guryaha ee shiinaha ayaa hoos u dhacayay 11 bil oo xiriir ah iyadoo isbuucaan mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ay iska bixin waysay deymihii lagu lahaa todobaadkii hore shirkad iibisa dhulka oo ku taalla magaalada bariga ku taalla ee wuxi ayaa sheegtay inay oggolaan doonto nooca miraha beeraha ee lagu magacaabo biij (peach) in lagu bixiyo lacagaha hordhaca ah ee guryaha

Taas oo u dhigmi karta in la dhimo ilaa 188,888 lacagta yuan ee shiinaha oo u dhiganta $28,218 ama £23,289 waxayna u qaadaneysaa qaab u dhigma lacagta ugu horreysa ee guryaha shirkad kale oo ku sugan Nanjing oo u dhow magaaladaas ayaa sheegay inay beeraleyda ka aqbali doonto ilaa 5,000kg oo qare ah

Waxay ku qiimeysay in ay tahay wax soo saar u dhigma 100,000 yuan oo lacagta Shiinaha ah qiimahaas wuxuu ka badan yahay kan uu qaruhu ka gooyo suuqyada maxalliga ah si kastaba ha ahaatee xayeysiinta oo loogu talagalay in ay sii socoto ilaa jimcaha soo socda ayaa la hakiyay sida uu sheegay wargeyska global times ee ay dowladdu maamusho

Waxaa naloo sheegay inaan tirtirno dhammaan boodhadhka xayaysiimaha ee baraha bulshada ayuu wargeysku ka soo xigtay wakiilka shirkadda isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah bishii may shirkadda central china management waxay samaysay olole 16 maalin socday oo ay ku aqbashay in toon lagu bixin karo si u dhiganta lacagaha hordhacaha ah ee laga shubo guryaha ee gobolka Qi ee shiinaha oo ah gobolka ugu weyn ee ay ka baxdo toonta

Waxaan beeralayda u fududaynaynaa inay iibsadaan guryaha ayay shirkaddu ku tiri barta wechat sida uu dhigayo heshiiska hal xabbo oo toon ah oo u dhiganta ku dhowaad ​​600g ayaa lagu qiimeeyay shan yuan oo lacagta shiinaha ah taas oo ku dhow saddex laab qiimaha suuqa shirkaddu waxay sheegtay inay aqbashay 860,000 oo xabbo oo toon ah oo lagula galay heshiisyo ku saabsan 30 guri

Taas oo jirta, waxay shirkaddu tirtay xayaysiis ku saabsanaa heshiis kuwaas la mid ah oo lagu gali  karo qamadiga (sareenka), kaas oo lagu soo bandhigay WeChat bishii hore ayaa shirkadda wax ka waydiisay arrintaas laakiin si degdeg ah ugama aysan jawaabin hubarrada ayaa sheegay in heshiisyada noocaas ah ay qeyb ka yihiin hab ay shirkaduhu ku heli karaan shuruucda dowladda ee xaddidaysa cabbirka ugu hooseeya ee loo oggol yahay inay wax dhimaan

Tirooyinka rasmiga ah ee may ayaa muujinaya in iibinta guryaha la dego ee Shiinaha ay sanad ka hor hoos u dhacday 41.7 boqolkiiba waa hoos u dhac isku xigxiga muddo 11 bil ah oo xiriir ah

Post a Comment

0 Comments