Howlgal qorsheysan oo lagu dilay sarkaakiil iyo hogaamiyayaa ka tirsan alshabaab u qaabilsaneyd deeganada Jilib iyo Jamaame

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay uga sameeyeen gobolka jubbada hoose warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob uu shir uga socday saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab.

Sida lagu sheegay warbixinta waxaa howlgalka lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray adan cabdiraxmaan adan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka baay iyo idiris cabdiraxiin nuur oo kasoo jeeda dalka kenya

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka jamaame iyo jilib halka idiris uu ahaa ku xigeenkiisa sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda soomaaliya sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in xilliga la weerarayay ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka baarsanguuni oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka jubbaland

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AlShabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda soomaaliya si kastaba maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda alshabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Post a Comment

0 Comments