Goob uu shir uga socday madaxda kooxda alshabaab oo duqeyn culus lala beegsaday

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka soomaaliya ayaa shaacisay in xalay fiidkii duqeyn dhanka cirka lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda alshabaab duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 km u jira degmada jamaame ee gobolka Jubbada Hoose sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta soomaaliya

Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 km u jira degmada jamaame ee gobolka jubbada hoose ayaa lagu yiri qoraalka howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda alshabaab ka tirsan

Waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan bishii hore ayay aheyd markii uu mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada jilib ee jubbada dhexe

Kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka soomaaliya duqeyntaas ayaa dowladda sheegtay in lagu dhaawacay horjooge lagu magacaabo cusmaan maxamed cabdi oo kooxda alshabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda si kastaba dowladda soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda alshabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments