Dagaal culus oo mar kale dhex-maray militariga dowlada somaliya iyo daraawiishta k/galbeed

Dagaal beeleed


 Dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo dawaariishta Koonfur Galbeed ayaa galabta ka dhacay degmada ceelbarde ee gobolka bakool kaas oo geystay khasaare culus sidaan oo kale ciidmaada militeriga dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta k/albeed ayaa shalay ugu dagaalamaya magaalada baraawe 

Xiisadda baraawe oo weli taagan ayaa markii hore ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ay balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil dagaalka maanta Ceelbarde ka dhacay ayaa ka bilowday laba askari oo ka kala tirsan daraawiishta iyo militeriga oo murmay kadibna is dilay waxaana la dilay oo xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa

Xildhibaan maxamed xuseen geedi oo ka tirsan baarlamaanka koonfur galbeed ayaa dagaalkaas uga waramay Universal Tv wuxuuna sheegay in horay magaalada uu uga taagnaa khilaaf maamul magaalada waxaa ka jiray khilaaf salka ku hayey maamul loo soo magacaabay oo hadana todoobaad gudihiis lagu bedelay hadana xiisadda waxaa sii kiciyey dilka askariga

Sidoo kale xildhibaanka oo sharaxay waxa dhex maray labada askari ee dagaalkaasi uu ka bilowday ayaa shaaciyey in gabar la fara xumeeyey uu ka soo bilowday dagaalka labada askari oo markii dambe mid la toogtay intaas kadib ciidanka militeriga ee degan ceelbarde ayaa weeraray xerada ciidanka daraawiishta k/galbeed waxaana galabta maqribadii soo gaaray dagaal soo bilowday maanta duhurkii

Xildhibaanka ka hadlay dagaalkaas ayaa ku eedeeyey madaxweyne laftagareen inuu hurinaayo dagaalkaas, isagoo u xaglinaaya mid ka mid ah qabaa’ilka dega ceelbarde sida uu wareysigaan ku sheegay xildhibaan maxamed xuseen oo baarlamaanka k/galbeed ka tirsan 

Post a Comment

0 Comments