Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Kooxda alshabaab


 Dowladda mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda alshabaab kaas oo magaciisa lagu sheegay cabdullaahi cusmaan maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil barnaamijka abaal-marinta cadaalada rewards for justice (RFJ) ee waaxda arrimaha dibedda mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in cabdullaahi cusmaan maxamed uu yahay injineer khabiir sare oo Alshabaab u sameeya qaraxyada sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda alshabaab sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda mareykanka

Mareykanka ayaa sidoo kale intaas ku daray in cabdullaahi cusmaan maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta alshabaab ee alkaib ma heysaa macluumaad ku saabsan cabdullaahi cusmaan maxamed? ayuu lagu yiri warbixinta uu soo saaray mareykanka waxa kale oo uu mareykanku ballan-qaaday in qof kasta oo keena xogtiisa la qarin doono, isla-markaana lagu wareejin doono lacagta abaal-marinta ah ee la dul-dhigay cabdullaahi

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda alshabaab waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay cali maxamuud raage oo loo yaqaan Cali Dheere isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda alshabaab cali dheere ayaa ahaa afhayeenka alshabaab tan iyo bishii may ee 2009 sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda

5-tii janaayo 2023 dowladda mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo macallin ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda alshabaab

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan maxamuud cabdi adan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel dusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada nairobi

Post a Comment

0 Comments