Dagaal u dhaxeeyey ciidanka militariga somaliya iyo ciidanka daraawiishta koonfur galbeed ayaa ku dhexmaray magaalada baraawe

Dagaal culus


  Dagaal culus oo soo bilowday shalay galabtii ayaa soo gaaray xalay ayaa ka dhacay degmada baraawe oo gobolka Shabeellada Hoose waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed dagaalka ayaa u dhaxeey ciidan ka tirsan militeriga soomaaliya oo fariisin ku leh gudaha magaalada baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur galbeed ee magaaladaas jooga

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ay dileen askari magaciisa lagu soo koobay suusac oo ka tirsanaa militeriga soomaaliya goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidanka militeriga ah oo ka carooday askarigii laga dilay ay ugu yaraan seddax askari ka dileen ciidanka daraawiishta koonfur galbeed

Intaas kadib waxaa magaalada ka bilowday dagaal culus waxaa lasoo sheegayaa in khasaare nafeed uu soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa magaalada Baraawe in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaruhu ilaa hadda waxaa gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo madaafiic ay isku ridayaan labada dhinac

Dad badan waxay ka qaxeen magaalada halka dadka qaar ay ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada xaaladda magaalada baraawe ayaa xalay aheyd mid colaadeed waxaana dentay korontadii magaalada mana jirto qof shacab ah oo guriga ka soo bixi karta halka dadkii fursadda u helay ay isaga baxeen magaalada

Shacab badan oo banaanka magaalada u cararay ayaa xalay beylah u ah kooxda alshabaab maadaama ay joogaan daafaha magaaladaas oo mararka qaar ay madaafiic ku tuuraan magaalada 

Post a Comment

0 Comments