Howl-gal culus oo ka socda gobolka shabeelaha hoose ayaa lagu dilay shabaabkii ugu badnaa

Kooxda alshabaab


 Howl-gal culus ayaa hadda ka socda tuulada buula maxamed cabdalla goostagta degmada awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta soomaaliya howl-galkan oo ay sida wadajir ah u samaynayaan sirdoonka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda alshabaab

Waxaa howl-galkaan illaa inta hadda la xaqiijiyay lagu dilay 19 ka tirsan kooxda alshabaab sida ay ku warameyso wakaaladda SONNA Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in howl-galkaan wadajirka ah lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay ku howl-gelaysay kooxda alshabaab

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo muddooyinkii dambe gaabis uu ku yimid gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda alshabaab waxaana la filayaa in dhawaan uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda 

Wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda alshabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee durba ay guulaha ka sheegatay dowladda soomaaliya si kastaba muddooyinkii u dambeeyay ciidamada nabadsugidda ayaa howl-gallo culus ka wada muqdisho iyo gobollada u dhow kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay alshabaab

Post a Comment

0 Comments