Xogta deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo laga xoreeyey kooxda alshabab

 

Kooxda alshabaab

 Ciidanka kumaandooska danab ee xoogga dalka oo kaashanaya nabad sugidda jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano badan oo horay ay u joogtay kooxda alshabaab ciidanka ayaa burburiyey fariisimihii ay alshabaab ku lahaayeen deegaanada uu maanta howlgalkaasi ka dhacay oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

Waxaa la sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanadaas kadib markii ay ka war-heleen in AlShabaab ay joogaan oo xoolo uga uruursanayaan shacabkii deganaa deegaanadaas deegaanada maanta kooxda lagu weeraray ee laga saaray waxaa ka mid ah kaamjaroon, yaaq xalul, kaliil, buriyow, buulo xaaji iyo yaaq-bishaaro oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka jubbada hoose

Waa howlgalkii labaad oo ciidanka xoogga dalka ay jimhihii maanta ka fuliyeen gobollada dalka, dhanka Galgaduud ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga abaabulan ee dadka deegaanka ayaa alshabaab kala wareegay deegaanka geerille oo u dhaxeyea magaalooyinka ceeldheer iyo cowsweyne ee bariga gobolkaas

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda alshabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo ka hor ay ku qaaday Masagawaay ciidamada iskaashaanaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalooyinka ceelbuur, galhareeri iyo waxbo oo dhamaantood ka tirsan gobolka galgaduud kuwaas oo weli ku jira gacanta alshabaab

Howlgallada ka socda deegaanadaas ayaa muhiim u ah ka hor tagga weerarrada ay alshabaab ka geystaan deegaanada laga xoreeyey eek a tirsan bariga gobolka galgaduud sida uu sheegay guddoomiyaha degmada ceelbuur nuur xasan guutaale oo qeyb ka ah masuuliyiinta hogaamineysa dagaalka

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda ee weli ku harsan yihiin kooxda alshabaab

Post a Comment

0 Comments