Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka Itoobiya ee degmada Doolow

mooxda alshabab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada doolow ee gobolka Gedo kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta soomaaliya qaraxyada oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada doolow halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan ah

Qaraxa koowaad ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, halka qaraxa labaad uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo ka baxeysa xerada si weyna ay u maqleen jugta qaraxyada

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxayada loo adeegsaday oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab ciidamada itoobiya ee saldhigga ku sugnaa ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xerada taas oo adkeysay in macluumaad laga helay khasaaraha dhanka kale 

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka degmada iyo kuwa gobolka oo ku aadan dhacdadaasi weerarkan ayaa kusoo aadayo maalmo uun kadib markii ay alshabaab ay cagta mariyeen saldhig ay ciidanka uganda ku leeyihiin magaalada buulo-mareere ee shabeelaha hoose 

Si kastaba weerarkan cusub ee ka dhacay gedo ayaa kusoo beegmay, ayada oo xalay madaxweynaha jubbaland axmed madoobe uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments