Alshabaab oo sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Uganda

 

Kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ka dhacay Buulo Mareer kaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhiga atmis ee magaaladaasi kooxda ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dishay sarkaale sare oo ka tirsan ciidanka atmis gaar ahaan kuwa uganda kaasi oo ay magaciisa ku sheegtay edward nyororo

Gaashaanle dhexe Edward Nyororo oo ahaa taliyaha guutada zulu ee ka howl-gasha deegaanada buulo-mareer, golweyn iyo baladul amiin ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii saldhigga buulo-mareer ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay ayaa lagu yiri war kasoo baxay alshabaab oo ay baahisay warbaahinta kooxda sidoo kale waxay soo bandhigtay kooxdu sawirka meydka taliyahaan ee ay sheegtay inay ku dishay weerarkii buulo mareer

AlShabaab ayaa hore guul weyn uga sheegtay weerarkaasi, kaasi oo ay sheegtay inay ku dishay illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada uganda sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay dhinaca kale askarta uganda looga dilay weerarkaasi ayaa lagu sheegay inay gaareyso illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda uganda yoweri museveni tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen alshabaab

Sidoo kale militariga uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda alshabaab kadib weerarkaasi ay dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada buulo mareer sarkaal soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda alshabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa uganda kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda buulo mareer

Si kastaba weerarkii buulo-mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee may ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda alshabaab kala kulmaan ciidamad atmis madaxweynaha uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka uganda ee buulo mareer

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha alshabaab qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen taas oo keentay inay is habeeyaan alshabaab-na ay ka faa’iideysteen ayuu yiri madaxweynaha dalka uganda yoweri museveni

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray howl-galada soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM

Post a Comment

0 Comments