Mareykanka oo shaaciyey xogta weerar uu ka fuliyey Soomaaliya oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab


 Taliska ciidamada mareykanka afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka wayanta ee soomaaliya 1-dii June war-saxaafadeed kasoo baxay africom ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah alshabaab

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarkaas lagu dilay xubnaha Shabaabka ah africom iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka

Africom ayaa sheegay in Soomaaliya ay xudun u tahay amniga iyo xasilloonida bariga afrika ayna ka caawin doonaan dowladda Somalia sidii looga adkaan lahaa kooxda alshabaab duqeymaha diyaaradaha mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka ay dowladda soomaaliya kula jirto kooxda alshabaab oo meel dhexe soo gaaray rajo badana laga qabo in dowladdu ay kooxda ka adkaato mar aan dheereyn

Diyaaradaha mareykanka waxay ciidamada soomaaliya ka caawiyaan beegsiga kooxda markii ay dagaalyahanadu galaan dhulka howdka ah waxaana marar badan la arkay oo lasoo bandhigay meydadka tobanaan shabaab ah oo dhul howd ah ay diyaaraduhu ku dileen

Waxaa xusid mudan in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay aad u yaraadeen duqeymaha diyaaradaha mareykanka ay ka fuliyaan soomaaliya inkastoo aan la shaacin sababta balse waxaa si guud gaabis ugu yimid weerarradii ciidamada dowladda ay ku qaadi jireen dhulka ay joogaan alshabaab

Post a Comment

0 Comments