Qarax weyn oo dhulka la simay kaydkii hubka ee kooxda alshabaab ay ku laheyd jilib

Kooxda alshabaab


 Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halakeeyay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay alshabaab ku lahayd koonfurta Soomaaliya kaas oo uu yaalla degmada jilib oo ay gacanta ku heyso kooxdu warbaahinta dowladda ayaa warisay in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaalla Jlib oo kayd hub u ahaa alshabaab

Isla-markaana uu gebi ahaan basbeelay hubkii dhex yaalay sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay dab xoogleh oo guriga qabsaday taasina ay sii adkeysay xaaladda goobta dhacdadan ayaa dhacday saddex habeen kahor gaar ahaan xilli salaaddii maqrib ah

Mana cadda waxaa dhaliyay qaraxa xoogan ee qabsaday keydkaasi hub ee AlShabaab guriga uu qarax ka dhex dhacay ayaa ku yaalla dhabarka dambe ee masaajidka gurey ee degmada jilib halkaas oo ay isugu tegaan saraakiisha iyo xubnaha kale ee alshabaab

Ma shaacin warbaahinta dowladda khasaare kale oo ka dhashay qaraxan marka laga reebo inuu baaba’ay kaydkii hubka ee alshabaab u yaalay halkaasi sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in arrintan ay shaki weyn ka dhex dhalisay kooxda isla-markaana lagu dhagay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Jeeri oo ah sarkaalka gacanta ku hayay kaydka 

Kaas oo ay warbaahinta dowladdu sheegtay inuu kasoo jeedo galgaduud xogaha iyo macluumaadka laga heli karo jilib ayaa aad u yar, maadaama alshabaab aysan ogoleyn in dhaq-dhaqaaq iyaga ka baxsan laga dhexe sameeyo halkaasi isla-markaana ay mamnuuc ka tahay adeegga internet-ka iyo sidoo kale midka guud ee isgaarsiinta

Si kastaba qaraxaan halakeeyay kaydka hubka ee ugu weyn koonfurta ee alshabaab ayaa kusoo aadayo xilii ay haatan kooxda wajaheyso guluf dagaal oo ay wado dowladda dhexe

Post a Comment

0 Comments