Faah-faahinta ka soo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay

alshabaab


 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ee ka howl-galla deegaanada Koonfur Galbeed iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalkan oo geystay khasaaro kala duwan, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada Ethiopia ee degmada Diinsoor, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Ethiopia ay adeegsanayeen madaafiic cul-culus, kuwaasi oo si weyn looga dareemay degmada Diinsooriyo degaannada hoostaga, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa hadda majiro cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, ayada oo ciidamada Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ay dagaalka kadib sameeyeen howl-gallo baaritaano ah, wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen.

Degmada uu dagaalka ka dhacay ee Diinsoor ayaa la soo sheegaya in xaaladeedu degan tahay, waxaana halkaasi gacanta ku haya ciidamada Ethiopia, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

Si kastaba, Dagaalkan ayaa imanaya xilli dhawaan magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dagaalameen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS iyo dagaal-yahaano Al-Shabaab oo weerar ku qaaday, taasi oo markii dambe keentay in ciidamada Uganda ay isaga baxaan magaalada

Post a Comment

0 Comments