Dowladda somaliya oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan lana burburiyay saanad ciidan

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta howl-gal qorshaysan lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan kooxda alshabaab laguna bur-buriyay gaadiid waday saanad ciidan howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo afar deegaan oo hoostaga degmada kuntuwaaray ee gobolka shabeellaha hoose

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in saanad ciidan ee la burburiyay ay qeyb ka ahaayeen qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo howl-galkan ayaa waxa uu daba socday weerar naf la-caarinimo ah oo ay kooxda alshabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidanka atmis ku leeyihiin magaalada buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu yiri bayaankan

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran howl-galkan ayaa imanaya kadib weerarkii saaka waaberigii ay kooxda alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaalada buulo mareer kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo mid hanti

Atmis aya dhankeeda sheegtay in hadda xaalada la dajiyey islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada atmis

Si kastaba weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan la qorsheynayo in uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka alshabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska

Post a Comment

0 Comments