Dowladda mareykanka oo shaacisay in ay dhawaacday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah

Kooxda alshabaab


 Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn 20-ka may uu ka geystay degmada jilib ee gobolka Jubbada Dhexe isaga oo shaaciyay in lagu dhaawacay hoggaamiye sare oo alshabaab ah hawl-galka militariga mareykanka ee qaaradda afrika (africom) ayaa shaacisay in mid kamid ah hoggaamiyayaasha alshabaab lagu dhaawacay duqayntaasi ka dhacday xarunta u weyn shabaab ee jilib

Taliska AFRICOM ayaa waxa uu sheegay in qiimaynta lagu sameeyey howl-galkaas in mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda alshabaab lagu dhaawacay africom ma magacaabin hoggaamiyaha kooxda alshabaab ee ku dhaawacmay duqeynta oo la fahamsan inuu ahaa bartilmaameedka howl-galkaas oo ahaa mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka soomaaliya

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan taliska mareykanka ee afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska si kor loogu qaado afrika ammaan badan oo xasilloon

Duqeyntan ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday xarunta ururka alshabaab ee jilib iyada oo uu jiro khasaare xooggan sida ay hore u baahisay warbaahinta dowladda ee sonna howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda alshabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda bariga afrika kaasi oo lagu qabtay gobolka jubbada dhexe

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda alshabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay amiirka alshabaab axmed cumar abuu cubeyda sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha nisa mahad salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo

Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha nisa ayaa sheegaya in mahad uu booqasho ku maray magaalooyinka new york iyo washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeeshay madaxda waaxda gaashaandhiga mareykanka iyo hay’adaha sirdoonka CIA-da iyo FBI-da kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhameystirka dagaalka alshabaab loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka

Si kastaba soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda alshabaab kaasi oo wejigiisi hore guullo wax ku ool ah laga gaaray, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska

Post a Comment

0 Comments