NISA oo qabatay Konteynar kale oo Al-shabaab u waday qalab Milateri

Kooxda alshabaab


 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee nisa ayaa maanta markale dekedda muqdisho ku qabatay konteer siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda alshabaab alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada muqdisho

Sidoo kale garoonka adan cadde ee magaalada muqdisho ayaa isla maanta waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay loona waday kooxda AlShabaab sirdoonka soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanadan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha maxamed cali xaggaa iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta cabdiraxmaan yuusuf alcaddaala oo si wada-jir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka taasi oo sahashay in la helo xogtooda

Labada alaabood ee tan dekedda iyo garoonka waxay cadeynaysa in isla xidhiidhaan oo ay yihiin wax wada socda oo ay khidad ay maleegayaan argagixisada oo Ilaahay ka sakow ay ciidanka sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka wasiir xaggaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardar-galiso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka socda gobollada dalka si amni looga dhigo caasimada iyo gobolada dalka oo idil

Ciidanka hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa 18-kii bishaan dekedda muqdisho ku qabtay konteenar lagu soo qariyey saanad ciidan oo loo waday kooxda alshabaab kaasi oo ay ku jireen alaab ciidan oo kala duwan dhammaan shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa nisa ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan ayaa xilligaas lagu yiri bayaan kasoo baxay nisa

Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna si kastaba dowlada somalia oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda alshabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka ha ahaadaan ganacsato masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada

Post a Comment

0 Comments