Sidee soomaaliya loogu yeeshay shan bilyan oo doolar oo deyn ah?

Dhacdoooyinka caalamka

 Mid ka mid ah shaqada ugu weyn ee arrimaha dibeda ee horyaala dowladda sanad jirka ah ee Soomaaliya waxaa ka mid ah deyn cafinta soomaaliya howshaas ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu guddo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh deyn cafintu waxay markii ugu horreysay ku bilaabatay mideynta dakhli ururinta wasaaradaha xukuumadda federaalka ah diiwaangelinta iyo dib-u-habeynta iyo u-awoodsiinta bankiga dhexe

Deynta lagu leeyahay soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo dollar waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha iyo xitaa dhismeyaal iyo qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed iyo howlo ciidan iyo dano shaqsi

Tirada ugu badan ee deynta lagu leeyahay soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay deynta rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar inta kale waa ribo ku kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay lacagtan deynta waxaa soomaaliya ku leh dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala duwan

Mareykanka oo keliya waxa uu soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan waxaa lacag dhan hal bilyan oo doolar halka deynta ruushka ay u dhiganto 13% boqolkiiba deynta shanta bilyan ah waxay u dhigantaa qiyaastii lix boqol iyo kontan milyan oo doolar talyaanigana waxaa u diiwaangashan deyn dhan shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta 11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay soomaaliya

Deyntan waxay boqol iyo toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee soomaaliya khuburadda dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo soomaali ah soo gala iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa marka loo eego dakhliga sanadlaha ah ee soomaaliya ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo bixiyo

Hadda soomaaliya waxay heystaa balanqaad ah in deymaha ugu yaraan qeyb laga cafin karo laakiin waa inay buuxisaa sharuudaha deyn cafinta oo dhan qaar baa la hirgeliyay sharuudaha laakiin waxaa dhiman kuwa loo arki karo inay yihiin kuwa ugu adag waxaa ka mid ah in la hirgeliyo canshuur mideysan oo laga qaado dekedaha iyo garoomada soomaaliya oo dhan

Post a Comment

0 Comments