Horjoogayaashii ugu sar-sareeyey alshabaab oo isaga baxay degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud

Kooxda alshabaab


 Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in horjoogayaashii kooxda alshabaab ay isaga baxeen degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud halkaas oo uu ku wajahan yahay guluf ka dhan ah alshabaab hoggaamiyeyaasha alshabaab ee u dhashay ceelbuur ayaa  isaga baxay degmada habeenadii axada iyo isniinta ee todobaadkan

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda sababta ayaa lagu sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan howlgallada ka socda gobolka kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale warisay in kooxda AlShabaab ay ku fashilintay in odayaasha deegaanka ay garab ka hesho

Si loogu garab istaago dagaalka iyo difaaca Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee ay muddada ku sugneyd kooxdu sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in odayaashu ay xittaa diideen inay beel ahaan ula wareegaan hubka alshabaab taasina ay keentay inay isaga huleelaan halkaasi mashaacin dowladu halka ay aadeen horjoogayaaashaasi

Balse waxa ay tilmaamtay in dhalinyaro kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya looga tegay gudaha degmada tallaabadan ayaa muujineysa in ay meesha ka baxday rajadii alshabaab ee ku aadaneyd inay dagaal ku difaacdaan ceelbuur sida ay warisay warbaahinta qaranka soomaaliyeed xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan 

Waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmadaas oo ay kusii jeedaan ciidamada huwanta soomaaliya sidaan oo kale ayaa horay saraakiisha iyo xubnaha alshabaab ay usoo baneeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe ka hor inta aysan gaarin ciidamada

Si kastaba waxaana haatan gobollada galgaduud iyo mudug oo la’isku yiraahdo galmudug haatan ka socdo gulufkii ugu dambeeyay oo ka dhan ah alshabaab kaas oo degmooyin badan looga qabsaday waxaana ugu dambeeyay degmada xarardheere ee gobolka mudug

Post a Comment

0 Comments