Dagaal culus oo ciidamada dowladda somali iyo alshabaab ku dhexmaray xadka laba gobol

Kooxda alshabaab


 Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo deegaan dhaca xadka gobolka galgaduud ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kooxda alshabaab dagaalkan oo yimid kadib markii ay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen goobo shabaab-ka ay ku dhuumalaysanaysay oo dhaca xadka gobolka galgaduud uu la wadaago Shabeellaha Dhexe

Deegaankaas oo lagu magacaabo sabansableey ayay ciidamadu ku weerareen shabaab-ka goobtaasi ku sugnayd iyada oo halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo ay guulo ka sheegatay dowladda federaalka soomaaliya warbaahinta dowladda ayaa baahisay in jab xooggan AlShabaab lagu gaarsiiyay dagaalka kaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada xoogga ay ka warheleen in xubno katirsan khawaarijta ay isku arruursanayeen deegaanka sabansableey si ay u sameeyaan arbushaad islamarkaana ay ciidamada ay ka hortageen dhagartooda xoogga dalka ayaa sii baacsanaya xubnihii khawaarijta ee ku dhuumaaleysanay deegaanka oo isaga cararay halkaa ayaa lagu yiri warka dowlada ee dagaalkan 

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inuu weli socdo howl-galkan isku rogay dagaalka ee ciidamadu ku qaadeen deegaanka Sabansableey oo dhaca xadka gobolka galguduud uu la wadaago shabeelaha dhexe dhinaca kale kooxda alshabaab ayaa dhankeeda guul horleh ka sheegatay dagaalkan oo ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen tiro gaadiid ah oo ay ku jiraan kuwa ciidamada ee tiknikada loo yaqaano 

Majiro illo madax-banaan oo illaa hadda si rasmi ah u xaqiijin kara sheegashadan si kastaba howl-galada ay ciidamada huwanta muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka galgaduud iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka ayaa dardar xooggan ku socday ayada oo dhawaan la filayo inuu si rasmi u billowdo wejiga labaad ee dagaalka

Post a Comment

0 Comments