Taliska Mareykanka Africom oo war ka soo saaray duqeyn ay ka fuliyeen gobolka jubbada hoose ee koonfurta soomaaliya

Taliska africom


  Taliska mareykanka afrika ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka jubbada hoose ee koonfurta soomaaliya warsaxaafadeedka kasoo baxay africom ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay deegaanka libikus oo ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu weerarkan qaaday, iyaga oo ka falcelinayay weerar ay AlShabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa halkaasi qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda alshabaab oo qayb ka ahaa xubnaha weerarka soo qaaday

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan waxa kale oo uu Mareykanka xusay inay ka go’an tahay inuu sii wadayo la dagaalanka alshabaab si looga hortago weeraradooda mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda alshabaab

Xilli ay soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan isla-markaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda dowladda mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaata dagaalka alshabaab 

Waxaana ciidamo boqolaal ah ay ka joogaam gudaha dalka soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal ayada oo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee alshabaab looga xoreynayo dalka oo dhan

Post a Comment

0 Comments