Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday Xarardheere iyo wararkii u dambeeyay

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay kooxda AlShabaab ay ku qaaday gudaha degmada xarardheere ee koonfurta gobolka mudug hoobiyeyaasha oo gaarayay lix ayaa lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla degmadaas balse waxa ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah

Guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere maxamed yuusuf kulmiye oo la hadlay idaacadda shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkaasi wuxuuna sheegay in la fashliyay kooxaha khawaarijta ayaa waxa ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan demada balse waan fashilinay weerarkaas tiro hoobiyeyaal ah ayey soo tuureen,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hoobiyayaasha ay ku dhaceen xerada bannaankeeda isla-markaana uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah shacab waxba kuma gaarin dhammaana waxa ay soo tuureen ilaahey dadka waxba kuma gaarrsiin, illaa 6 hoobiyey ayay soo tuureen waxayna ku dhaceen xerada bannaankeeda ayuu markale wareysiga ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay howlgallo ka wadaan agagaarka degmada isla-markaana ay baacsanayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi kooxaha hadda waa lagu sii daba jiraa ciidamada aad ayay usii baacsanayaan meesha ay galeen ayaan ka daba gali doonaa ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye kulmiye

Xarardheere ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka

Post a Comment

0 Comments