Kooxda Al-Shabaab oo haatan la daala dhaceysa khilaaf dhexdeeda ah ayaa haddan qaaday tallaabo kale oo xiisadda uga sii dareysa.

Kooxda alshabaab


 Kooxda AlShabaab oo haatan la daala dhaceysa khilaaf dhexdeeda ah ayaa haddan qaaday tallaabo kale oo xiisadda uga sii dareysa warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda ay xilka qaadis ku sameeysay hoggaamiyaheedii u qaabilsanaa dhanka howlgallada kenya taas oo saameyn weyn ku yeelan karta weerarada ay kooxda ka fuliso dhanka xuduuda

Ninkan oo lagu magacaabo horjooge eyman ayaa ahaa hoggaamiye sare oo militari ah wuxuuna aqoon durugsan u lahaa deegaanada dhaca xadka labada waddan taas oo xilligaas loogu doortay inuu taliye u noqdo  kooxda loo yaqaano (Jeyshu Eyman) oo ah garabka alshabaab uga howlgala deegaanada dhaca xuduuda ay wadaagaan soomaaliya iyo kenya

Eyman ayaa sidoo kale qorsheeyay weeraro lagu hoobtay oo horay uga dhacay gudaha dalka kenya isla-makaana dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac haddaba maxaa keenay in xilka laga tuuro?

Warar kale oo la helayo ayaa intaasi ku daraya in xilka qaadista horjoogahaan iyo khilaafka kala dhexeeya hogaanka ka sareeya ee kooxda uu yimid kadib markii looga shakiyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro maleeshiyada daacish oo iyana ka dagaalanta soomaaliya shakiga ayaa sii xoogeystay markii uu alshabaab isaga baxay salmaan muhaajir oo isna ahaa sarkaal ajaaniib ah isla-markaana ay saaxibo ahaayeen eyman oo xilka laga tuuray

Wuxuu ninkan alshabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii isaga oo mar dambe la wareegay hoggaanka kooxda loo yaqaano jeyshu eyman oo weerarta kenya xilka qaadista lagu sameeyay hoggaamiyahaan ayaa ka mid noqoneyso kuwo horay loogu sameeyay dhowr hoggaamiye oo magac sare leh kuwaas oo uu kamid ah jacfar suudaani

Si kastaba khuburada ka faallooda amniga ayaa dhankooda rumeysan in isbeddalka lagu sameeyay garabka jeyshu eyman uu yahay mid saameyn ku yeelan kara howlgalladii ay kooxda ka fulin jirtay gudaha kenya kuwaas oo sanadihii u dambeeyay aad u kordhayay

Post a Comment

0 Comments