Dowlada soomaaliya oo shaacisay in AlShabaab ay shaqo ka joojin ku sameysay horjooge sare oo ka tirsanaa

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda alshabaab ay shaqo joojin ku sameeysay horjooge macallin eyman oo kooxda u qaabilsanaa weerarada ay ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka kenya horjoogahan ayaa waxa uu maamulayay ciidan ay ugu magaca dareen “Jeyshu Eyman kuwaasi oo weeraro dhabo-gal ah ka geystay gudaha dalka kenya

Macallin eyman ayaa hoggaanka maleeshiyaadkaas loo xil saaray sanadkii 2009-kii isaga oo maamulayay tan iyo markaas macallin eyman ayaa waxay saaxiibo dhow yihiin salmaan muhaajir oo ajaaniibta AlShabaab madax u ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kadib markii dhawaan khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee kooxda lagu jacfar suudaani sida ay baahisay warbaahinta dowladda

Horjoogahan ayaa waxaa la sheegay in looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyadda kooxda daacish maadama ay saaxiibo dhow ahaayeen salmaan muhaajir-kii dhawaan xilka laga qaaday warbixinta ay baahisay dowlada ayaa intaas kusii dareysa in ciidanka loo yaqaano ”jeyshu eyman” loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo kasoo jeedo gobolka mudug, gaar ahaan magaalada gaalkacyo

Cabdisamad ayaa waxa uu saaxiib dhowr la yahay horjooge maxamed amiin oo la rumeysan inay qaraabo dhow yihiin mahad karatee oo isagu kamid ah madaxda sare ee kooxda alshabaab tallaabada ay qaaday alshabaab ayaa waxaa lagu tilmaamay mid u horseedaysa kooxda inay soo dhamaato awooddii ay ku laheyd gudaha kenya maadaama ay shaqo fariisin ku sameeysay nin si weyn u yaqaanay kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.

Marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha alshabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan

Post a Comment

0 Comments