Al-Shabaab oo toogatay shan ruux oo ay ku sheegtay in ay yihiin basaasiin u shaqeeya dowlada somalia iyo kan mareykanka

Kooxda alshabaab


 Kooxda alshabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada jilib ee gobolka Jubbada Dhexe kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka soomaaliya iyo mareykanka

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 25 illaa 41 sano ayaa waxay kooxda shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada jilib waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantood ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada dowladda federaalka soomaaliya iyo kan mareykanka ee CIA-da 

Dhamaan xubnahan jawaasiista ah ee shan-ta ah waxay maxkamadda jubboyinka ka hor qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonnada (DF) iyo midka maraykanka ee (CIA) ayna ka dambeeyeen duqaymo kala duwan oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah oo loo gaystay dad muslimiin ah ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka

Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu masuul ka ahaa dilka maxamed dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka kooxda alshabaab dulyadeyn ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda maraykanka waxa la dilay bishii juun ee sanadkii 2016-kii

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla degmada jilib si kastaba kooxda alshabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF soomaaliya mareykanka iyo kenya

Post a Comment

0 Comments