Hay'adda nisa iyo saaxiibada caalamka ah ayaa fuliyey howl-gal lagu laayay horjoogayaal iyo Shabaab badan

Kooxda Alshabaab


 Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee nisa ayaa shaacisay in ka badan 40 shabaab ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad lagu dilay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose nisa ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in howl-galkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka nisa iyo saaxiibada caalamka

Xubnaha shabaab-ka ah ee lagu dilay howl-galkaan ayaa waxaa ku jira xubno ajaanib ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA in ka badan 40 khawaarij oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo ay kamid ahaayeen ajaanib ayaa lagu dilay howlgal ciidanak nisa oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka sameeyeen 2-dii bishaan may gobolka shabeellaha hoose

NISA howl-galkaan faah-faahin intaas ka badan kama bixin, hase yeeshe bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan uu ka dhacay beer ku taalla deegaanka nuungare oo 8-km kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka bariire ee gobolka shabeellaha hoose howl-galkan ayaa dhacay habeenimadii talaadada

Iyada oo xubnaha shabaab-ka ee howl-galkan lagu beegsaday ay xilligaasi isku abaabulayeen dhul-beereedkaas sirdoonka qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka soomaaliyeed ku dhowaad 10 khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayay howl-galkan ayada oo lagu raad-joogo xubno kale oo isku dayaya inay baxsadaan

Sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka soomaaliya howl-galkaan ay shaacisay nisa in lagu dilay shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn inkasta oo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda

Dowladda soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan iyadoo haatana ciidanka qaranka iyo dadka soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen khawaarijta

Post a Comment

0 Comments