Weerar lagu dilay 60 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka mudug

Kooxda alshabaab


  Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada dowladda soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka mudug kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan alshabaab wararka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xoogag ka tirsan alshabaab

Xilli ay marayeen deegaanka Cali Qaboobe oo qiyaastii 30 km dhanka koonfureed ka xiga degmadaasi guddoomiyaha degmada xarardheere mudane maxamed yuusuf kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi wuxuuna sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda alshanaab

Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay 60 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi sida uu hadalka u dhigay sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub fara badan oo loo waday alshabaab ay kusoo furteen howlgalkaasi, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen laba gawaari oo ay wateen xubnaha kooxda alshabaab ee la laayey

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ragga la dilay ay ku howlanaayeen dhibaateynta dadka shacabka ah isla-markaana ay hubka u wadeen kooxda alshabaab oo weli ku sugan gobolka mudug hanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay alshabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada xarardheere

Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah alshabaab kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka somalia ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal ayada oo la filayo in wajiga labaad ee howlgalka uu ka billowdo maamul goboleedyada koonfur galbeed iyo jubbaland

Post a Comment

0 Comments