Ciidanka kumaandooska danab iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa deegaano muhiim ah ka xoreeyey kooxda alshabaab

Kooxda Alshabaab


 Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga alshabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe howlgalka ugu culus wuxuu galabta ka dhacay degaanka ceel-cali-godle oo dhanka waqooyi kaga beegan degaanka ceel cali axmed ee gobolka shabeellada dhexe

Ciidanka ayaa cagta mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab halkaas oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu soo dhoobtay dagaalyahano badan kooxda alshabaab ayaa la sheegay in qoysas reer miyi ah ay deegaankaas ka raacdeeyeen si aan loo helin xogtooda balse waxaa la sheegay inay maanta carareen markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda uu ku soo duulay

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay alshabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-Cali-godle ee gobolka shabeellada dhexe sidoo kale saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ka hari doonin kooxdii ka carartay deegaankaas ee  alshabaab oo weli ku dhuumaaleysaneysa dhulka howdka ah ee gobolka shabeellada dhexe

Todobaadyadaan waxaa gaabis ah duulaanka dowladda ee dagaalka al-shabaab waxayna ciidanka ugu badan hadda kala joogaan galcad iyo ceeldheer oo ka tirsan galgauud wixii ka dambeeyey markii kooxda alshabaab ay ciidanka ku weerartay deegaanka budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen

Waxaa hakaday dhaqdhaqaaqii ciidanka waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan ciidanka qaranka oo ka tallaabay gobolka shabeellada dhexe gudahana u galay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud oo waligood ay shabaab maamulayeen ayaa isku diyaarinaya xoreynta qeybaha ay gobollada ka joogto kooxdu

Post a Comment

0 Comments