Dil tobanaan sano ka hor dhacay oo hadda muran ka dhaliyey Hindiya

Dhacdooyinka caalamka


Shekereh Khaleeli waxay ahayd quruxley taajirad ah waxayna kasoo jeedday mid ka mid ah qoysaskii ka talin jiray gobolka koonfurta hindiya ee karnataka balse 1991 kii dhaxal sugtadan maal qabeenka ah ayaa hal mar uun la waayey jaan iyo cidhib meel ay dhigtay muddo saddex sano ah ayuu ninkeedii labaad – murali monahar mishra oo ku magac dheer swami shraddhananda isku toosinayey sheeko cajiib ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay xaaskiisu

Sannadku markuu ahaa 1994-kii ayaa hadhaadiga meydkeeda laga helay barxadda aqalkooda qasriga ah ee ku yiil magaalada bengaluru oo hadda loo yaqaan (Bangalore) shakereh waa la jiidjiiday waxaana lagu cabbeeyay sanduuq (naxash) alwaax ka sameysan – sida mar dambe la ogaan doonana waxaa la aasay iyada oo nool sanadkii 2003-dii maxkamadda ayaa murali ku heshay dembiga waxaana lagu xukumay dil

Taas oo maxakamdda sare ay mar dambe xaqiijisay waxay maxkamaduhu aqbaleen in Murali uu haweenayda ku raacay isla markaana damcayey hantideeda oo balaayiin rubbi ahayd xilligii racfaankiisa waxay maxakamaddu ugu yeedhay kiis isku darsaday damac aadmi iyo dhagar shaydaan balse waxaa xukunkiisa hoos loogu dhigay cimri xarig aan lka noqosho lahayn maxkamadda ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku gacan saydhay codsigiisa ahaa in cafis loo fidyo

Dambiga shucuurta xambaarsan ee hindiya ruxay 30 sano ka hor ayaa ciwaan u ah filinka taxana ah ee internetka laga daawado kaas oo laga heli karo amazon prime looguna magac daray ciyaarta qabriga dushiisa (dancing on the grave) – waxaana magacan loogu bixyey sababtoo ah ardaaga ay ku aasnayd shakereh ayuu ku qaban jiray xaflado laguna dul ciyaari jiray qoob ka ciyaar

Soo saaraha filimka chandni ahlawat dabas ee shirkadda india today of production ayaa tiri waxaa jiray su’aalaha sida maxay sabab iyo sidee ku xeeran dembigan oo ilaa hadda aan la aamini karin kasokow in uu dembigan 30 sano jiro, waxaan dareennay in dembigani yahay mid u baahan in la baahiyo waayo waa wax la yaab leh illaa iyo manta ayey kusii dartay

Laakiin bartamihii 1980-meeyadii, waxay la kulantay shraddhananda nolosheeduna waxay yeelatay isbedel xooggan denbiga ayaa sidoo kale noqday hadal heynta magaalada ugu weyn sababtoo ah shakereh waxa ay guursatay nin sida shraddhananda oo kale ah ka dib markii ay kala tageen ninkeedii ugu horeeyay ayuu raaciyay

Qaar ka mid ah dadka ayaa su'aal ka keenay bandhigga in madal la siiyay qof gacan ku dhiiglenimo lagu xukumay laakiin patrick graham oo ah filim sameeye british ah oo mumbai deggan waxna ka qoray oo agaasime ka ahaa dancing on the grave ayaa difaacay go'aanka ah in sheekada shraddhananda la siiyo mudnaan

Waxaan u maleynayaa inay aad muhiim u tahay inaan dhankiisana sheekada ka dhageysanno, si ka sii badan sababtoo ah waligeen wax war ah kama aynaan maqal 30-kii sano ee la soo dhaafay waxaa intaa dheer, wuxuu na siiyay fikrado qiimo leh oo ku saabsan dabeecadda shakereh

Post a Comment

0 Comments